Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkada biyaha NUWACO oo ka hadashay mid kamid ah shaqaalaheeda oo laga afduubtay Badhan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka shirkada biyaha ee Nuwaco ayaa cambaareyay afduub maanta loo geystay mid kamid ah howlwadeenadooda oo la yiraahdo Maxamed Siciid Taako, xilli uu ku sugnaa magaalada Badhan oo ay NUWACO ku guulaysatey inay u saldhigto biyo galintii ugu horeysay.

Maamulka Shirkaddu waxay bogaadiyeee  dadaalka ay ugu jiraan maamulka Gobolka Sanaag iyo Odoyaasha Deegaanku sidii xoriyadiisa loogu soo celin lahaa Muwaadin Maxamed Saciid.

War qoraal ah oo kasoo baxay shirkada ayaa lagu sheegay in marxalad kasta oo shirkada lasoo gudboonaata aysan marnaba u hakin doonin adeegga ay shacabka u hayaan.

Ma cadayn shirkada Nuwaco sababta loo qafaashay mid kamid ah shaqaalaheeda, sidoo kale xiriiro aan la sameynay maamulka gobolka Sanaag ayaan inoo suurto galin inaan helno, si aan arrintaan afduubka ah wax uga weydiino.

Shirkadda NUWACO oo la aas aasay  sanadkii 2006-dii ayaa sheegtay inay shaqooyin biyo galin iyo qodista ceelasha dhaadheer kasoo fulisay Deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliya Sida Togdheer, Buuhoodle, Nugaal, Mudug, Bari, Sanaag, Sool iyo Koonfurta Soomaaliya.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this