Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka dhalatay Kordhinta Canshuurta qaadka oo ka taagan Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la magac baxay Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in xiisad ay halkaasi ka taagantahay.

Arintaan ayaa ka dambeeysay kadib markii Wasaarada maaliyada ee maamulka Soomaaliland ay lacago dheeraad ah oo canshuur ah ay ku rogeen Ganacsatada qaadka.

Ganacsatada ayaa iyana bilaabay in ay kordhiyaan qiimaha qaadka taasi oo ay cabasho ka keeneen dadka isticmaala.

Dadweyne aad u farabadan ayaa ku soo xoomay goobaha ganacsiga qaadka ee Magaalada Hargeysa.

Ciidamada Booliska maamulka Soomaaliland ayaa rasaas ku kala eryay dadkaasi oo isku dayay in ay boobeen qaadka.

Durba waxaa arintaasi ka hadlay wasaarada Maaliyada ee maamulkaasi oo sheegtay in la kordhiyay canshuurta qaadka si loo yareero dadka cuna qaadka.

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Xiisad ka dhalatay Kordhinta Canshuurta qaadka oo ka taagan Hargeysa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this