Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Wada hadaladii Beelaha Cumar Maxamuud iyo Baharasame Oo kafurmay Deegaanka Meegaagle

Recommended Posts

Deeq A.   

Deegaanka meegaagle waxaa ka furmay maanta shir wayne lagu heshiisiinayo Beelaha Cumar Maxamuud iyo Baharasame oo mudo dhowr sano ku dagaalamayay deegaankaasi.

Gogosha shirkan ayaa waxaa dhigtay beesha Cumar Maxamuud oo uu hogaaminayo Islaan guud Islaan Bashiir Islaan Cabdule Islaan Faarax.

shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Ergooyin farabadan oo ka kala yimid gobolada Puntland , waxaana fududeenaysa qabsoomida shirkan dowllada Puntland.

colaadan labadan beelood ka dhax taagneed mudo kusima 12 sano ayaa sababtay dhimashada 102 qof oo labada dhinac ah iyo xoolo Geel iyo Ari isugujira oo lakala dhacay .

ciidamada maamulka dowllad deegaanka Itoobiya ayaa sugaya amniga goobta uu shirku ka dhacayo.

 

Hoos ka dhagayso  codka Caaqil  C/raxmaan Cabdilaahi .

      Caaqilka

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this