Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking– Wadahadalka Itoobiya iyo ONLF ‘ONLF oo dalbaday sii deynta Cabdikariin Qalbi Dhagax

Recommended Posts

Deeq A.   

BREAKINGNEWS.png

Wadahadalka uga socda ONLF iyo Itoobiya Magaalada Nairobi ayaa meel wanaagsan maraya hada, Qodobada ugu xasaasisan in miiska saaran waxaa ka mid ah in Cabdikariin Qalbi dhagax xabsiga laga sii daayo.

Wadahadalka oo dhowr maalmood hada socda ayaa wuxuu u muuqdaa mid dhowaan la isla meel dhigi doono Go’aanka rasmiga ah ee Kulanka kasoo bixi doona,?Sargaal ka agdhow Wadahadalka oo si hoose ugu waramay Warbaahinta Puntlandi ayaa wuxuu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay labada dhinacba muujiyeen Masuuliyad nimo iyo horu socodba, Qodobo dhowrana la isla meel dhigay. Wuxuu kaloo Sargaalku noo sheegay in Qodobada ugu muhiimsan dhanka ONLF ayna ku gorgortamayaan uu ka mid yahay in Sharuud la’aan Xabsiga looga sii daayo Cabdikariin Qalbidhagax, oo Sanadkii hore ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ay xabsiga dhigeen kadibna u gudbiyeen Adis ababa.

Qodobkaan wali si fiican la isuguma afgarad laakiin waxaa loo badinayaa in dhanka Itoobiya ay aqbalaan sii deynta Qalbi dhagax.

Puntlandi
Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this