Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan shirkadda biyaha NUWACO oo lagu afduubay magaalada Baran.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabley hubaysan ayaa abaaro duhurnimadii maanta afduub ugu geystay magaalada Baran ee Gobolka Sanaag mid ka mid ah hawlwadeenadda Shirkadda Biyaha NUWACO sida uu u xaqiijiyay warbaahinta PUNTLAND POST maamulka shirkaddaas.

Cabdinuur Siciid Faraxsane oo la hadlay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay Maxamed Siciid Taako oo ka mid ah shaqaale ka shaqeynayay biyo galinta magaalada Baran inay kooxo hubaysan ka afduubteen goobta shaqada.

Cabdinuur ayaa intaas ku darey inay socdaan dadaalo ay wadaan maamulka Gobolka Sanaag iyo Degmada Baran islamarkaana la aqoonsadey dableyda afduubka u geystay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda, wallow uusan sheegin sababta ka dambeysa afduubka ka dhacay Baran.

Dhageyso wareysiga Cabdinuur Siciid Faraxsane.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Sarkaal ka tirsan shirkadda biyaha NUWACO oo lagu afduubay magaalada Baran. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this