Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Degmada Ufayn oo lagu qabanayo shir looga hadlayo dhismaha waddada Caluula iyo Kala-bayr

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso (Puntlandi) Degmada Ufayn ee gobolka Bari waxaa ka furmi doona maalinta bari ah shir looga hadlayo dar dargalinta dhismaha wadada kala beer iyo Caluula. Wadada Caluula iyo kala-bayr ayaa dhaxmari doonta  ilaa iyo 11 degmo oo ay Boosaaso kamid tahay.

Degmooyinka kuyaala gobolada Bari iyo Gardafu ee loo yaqaano gaari waaga ayaan lahayn wadooyin fiican oo ay soo mariyaan dhaqaalaha ka soo baxa ee u badan Fooxa iyo Beeyada.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgali doona Gudoomiye-yaasha 11 ka degmo ee waddadan ka faa’iidaysan doona kuwaas oo ku bixindoonan dhismaha waddadan Muruq iyo Maalba.

Gudoomiyaha degmada Ufayn ee gobolka bari Cali jaamac Jibriil ayaa kawaramay ujeedada shirakan iyo xilliga uu furmi doono.

Halkan hoose ka dhagayso.

      Codka degmada ufeen

Puntlandi.com 

Xafiiska Wararka Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this