Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda kalluumaysiga Puntland oo beenisay war dhawaan kasoo baxay Booliiska Thailand.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badda ee dowladda Puntland ayaa maanta beenisay in Doon kalluumaysi oo dhowaan lagu qabtay Thailand uu xeebaha Soomaaliya si sharci darro ah uga qaatay 500.000 oo tan oo khayraadka Badda ah.

Agaasimaha guud ee wasaaraddu wuxuu sheegay in arrintan xaqiiqadeedu ahayd sanadkii hore ee 2017, isla markaasna la mariyay nidaamka rasmiga ah ee kalluumaysiga ee ay shatigiisa bixiso wasaaraddu, markii ay soo codsadeen iyagoo ku gooshaya calanka Djibuuti.

“Wuxuu kalluumaystay hal tiriib oo keliya, waxaa laga qaaday canshuur iyo kharashaad kale oo sharci ah oo dhan ilaa 900.000 oo dollar,” ayuu yiri Agaasime Cali Xirsi Salad, wuxuu intaas ku daray in kalluumaysiga ay sameeyeen uu ahaa 1,400 oo tan.

Cadaymaha wasaaraddu soo bandhigtay oo ahaa ilaa toban Dikumenti ayaa waxaa ku jiray warqado ay is dhaafsadeen Puntland, shirkadda Markabka leh, Dowladda Jibuuti iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Booliiska dalka Thailand ayaa dhawaan qabtay doontaan kalluumaysi oo ay saarnaayeen 22 qof isugu jira Thailandese iyo combodian. Doontaan ayaa ka timid xeebaha Puntland halkaas oo la sheegay inay ka haysatay shati ogolaansho kalluumaysi.

Waxay booliiska Thailand sheegeen in culayska kalluumaysi ee doontaan shatiga lagu siiyey uu ahaa inay qaadato kalluun dhan (270,000kg), laakiin doonta laga helay kalluun dhan (500,000 kilograms) taas oo khilaafsan wixii lagula heshiiyey ayna doontu samaysay xatooyo baahsan.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this