Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: C/Raxmaan Cabdi Shakuur”Dowladdo Shisheeye & Dowladda ayaa ii adeegsan raba Al-Shabaab si la ii dilo”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka, kana tirsan Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay maamulaan shaqsiyaad kale, isagoo ugu baaqay Madaxweynaha in aanu awoodiisa ku wareejin dad aan la dooran.

Wareysi uu siiyaya Telefishinka Universal ayaa waxaa uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ka mid ah weerarkii lagu qaaday hoygiisa iyo xaaladihii siyaasadeed ee dowladda ay gashay sanadkeedii u horeeyay.

“Runtii Cabsida aan qabo waxa ay tahay in aan ka warhelay in la iisoo adeegsan rabo Kooxda Al-Shabaab ayna ku lug leeyihiin dowladdo Shisheeye oo aan dooneyn in Magacooda aan sheego iyo dowladda intaba ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu shaki ka qabo in dowladdo Shisheeye ay weerar ku soo yihiin iyaga oo soo maraya ama u soo adeegsanaya Al-Shabaab.

Dhinaca kale Siyaasiga ayaa waxa uu ku dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya in uu ka aamusay dhibaatoyin ka jira dalka iyo waxkasta oo madaxda qaarkood ay ku dhaqaaqeen isaga oo talo u soo jeediyay.

“Talo ayaan siin lahaa, Madaxweyne adiga ayaa lagu doortay Mas’uuliyadaada qaado, wax kasta dalkaan ka dhacay ama xaalado siyaasadeed waa ka aamustay, caqabadaha dhabta ah ee Qaran ahaan noo heysto asiga ka Madaxweyne ahaan laga rabaa inuu dadka u sheego oo uu dadka hor-yimaado, Madaxweynaha wuxuu noo sheegay in Shabaab labo sano dalka looga saarayo, hadana wuxuu dhahay lagama adkaan karo, wadamadaha colaadaha ka soo baxaya waxaa lagu yaqaanaa Hoggaamiyeyaashooda dadka runta ayay u sheegaan”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

“Soomaali waa ogtahay dadka aan la dooran ee saameynta leh oo awooda ku heysta Madaxtooyada ee Wasiirada kala bedelaya, taliyeyaasha ciidamada bedelaya, Madaxweyne adiga ayaa lagu doortay dadka aan la dooran awoodaada haku wareejin”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Tan iyo wixii ka dambeeyay 17 Bishii December ee Sanadkii tegay 2017 markii la weeraray xili habeen ah hoygiisa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur waxa uu dowladda ku eedeynayay in aan tallaabo sharci ah laga qaadin Saraakiishii  ka dambeeyay weerarkaas.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/02/siyaasi-Cabdiraxmaan-Cabdi-Shakuur-Warsame.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Dhageyso: C/Raxmaan Cabdi Shakuur”Dowladdo Shisheeye & Dowladda ayaa ii adeegsan raba Al-Shabaab si la ii dilo” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this