Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo imtixaan ka qaadday shaqaale cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa maanta qaaday Imtixaan ay u fariisteen 80 qof oo isugu jira 20 Rag iyo 60 Dumar kuwaas oo u tartamayey boosaaska Record Management ama kaydinta xogta dawladda oo loo qaadanay 7 kamid ah hay’adaha dawladda eek a faa’iideysanaya mashruuca tayaynta iyo shaqaalaysiinta ee uu Baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland.

Q0rshaha loo qaadanayo shaqaalahan cusub ayaa ah sidii loo heli lahaa shaqaale xirfad iyo aqoon u leh hannaanka kaydinta xogta ama arkiifiyada si loo tayeeyo waxna looga beddelo qaabkii hore ee loo kaydin jirey xogta dawladda.

Imtixaanka ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Library-ga iyadoona loosoo diyaariyey hab casri ah  oo ka beddelan qaabkii hore ee loo diyaarin jirey imtixaanka si loo  ilaaliyo  hufnaanta imtixaanka isla markaana loo dhowro kalsoonida tartameyaasha iyo guud ahaan shacabka Puntland.

Shaqaalahaan cusub ayaa markii la qaato waxa ay ka kala hawl-geleyaan xarumaha Wasaaradaha Qorshaynta, Beeraha, Xannaanada Xoolaha,  Kalluumaysiga, shaqada iyo shaqaala, Bangiga dawladda iyo hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee dawladda.

Ka qayb galeyaashii imtixaanka ayaa muujiyey inay si wanaagsan ugu qanacsanyihiin habka loosoo diyaariyey imtixaanka iyo habka casriga ah ee loo qaaday  taas oo ay beryihii hore  ka muujin jireen tuhun ama mad-madow.

DSC_0187.jpg?resize=600%2C401 DSC_0188.jpg?resize=600%2C401 DSC_0191.jpg?resize=600%2C401 DSC_0196.jpg?resize=600%2C401 DSC_0204.jpg?resize=600%2C401 DSC_0205.jpg?resize=600%2C401 DSC_0207.jpg?resize=600%2C401 DSC_0208.jpg?resize=600%2C401 DSC_0209.jpg?resize=600%2C401 DSC_0212.jpg?resize=600%2C401 DSC_0215.jpg?resize=600%2C401 DSC_0219.jpg?resize=600%2C401 DSC_0220.jpg?resize=600%2C401 DSC_0221.jpg?resize=600%2C401

The post Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo imtixaan ka qaadday shaqaale cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this