Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro intee la’eg ayaa ka dhashay Madaafiicda ay Shabaab ku garaaceen Saldhiga ciidamada Kenya ee..

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-raam oo dhaca waaqoyiga bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay Madaafiic dukun-daakun uga dhigeen Saldhigyo ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka.

Maleeshiyaadka ayaa la sheegay in halkaa ay ku dhufteen Siddeed Madfac oo intooda badan ku dhacday Saldhiga iyo Xaafadaha ku hareereysan, iyadoo uu ka dhashay Khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Khasaaraha ka dhashay Madaafiicda ayaa la sheegayaa inay aad u badan tahay waxaana jira warar sheegaya in ku dhawaad Lix Askari ay kusoo gaartay waxyeelo kala duwan, halka khasaaraha soo gaaray dadka deegaanka uu gaaraya ilaa Seddex ruux oo dhaawac iyo dhimashaba leh.

Saraakiisha ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa qaabilsan Saldhiga la duqeeyay ayaa qiray inuu jiro khasaaro xoogan, hase ahaatee ma aysan carab dhabin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Saraakiisha Saldhiga waxa ay sidoo kale sheegen inay ka war hayeen inuu kusoo fool lahaa weerar kaga imaanaya al-Shabaab, balse ay ka gaashaaman doonaan waxa xigi doona.

Saldhigga Ceel-Raam ee la duqeeyay ayaa waayadan waxaa ka socday shirar u dhexeeyay Taliyayaasha iyo Saraakiisha amaanka deegaanka, waxaana xigay beegsiga Madaafiicda.

Dhinaca kale, al-Shabaab ayaa waxa ay ku dhawaaqdeen dagaal ka dhan ah dowladda Kenya Sanadkii 2011-kii Markii ciidamada dowladda Kenya ay gudaha u soo galeen Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

The post Khasaaro intee la’eg ayaa ka dhashay Madaafiicda ay Shabaab ku garaaceen Saldhiga ciidamada Kenya ee.. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this