Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: MKG oo banaanka soo dhigay boqolaal ciidan Hubeysa oo la dagaalami doona Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online)-Ciidamada Militeriga Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa dhaqdhaqaaq ka bilaabay qaybo ka mid ah Gobolada Baay iyo Bakool.

Ciidamadan oo boqolaal dhan ayaa la qorsheynayaa inay u dhaqaaqi doonaan deegaanada ay Goboladaasi kaga sugan yihiin maleeshiyaadka al-Shabaab.

Talisyada ciidamada Maamulka ayaa ku hawlan sidii guluf xoogan loogu qaadi lahaa dhulka ay Shabaabku kaga sugan yihiin Deegaanada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed oo booqday Goobaha lagu diyaarinaayo Ciidamada dhaqdhaqaaqa wadda ayaa ugu baaqay in ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka al-Shabaab.

Wasiirka ayaa ciidamada ku wargaliyay in looga fadhiyo xoreynta dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaanada maamulka oo qaarkood ku jira gacanta al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale ciidamada u sheegay in laga doonaayo in ay furaan Wadooyinka ay Go’doomiyeen al-Shabaab.

Dhaqdhaqaaqyadan waxay ku soo beegmayaan, xilli Ciidamada Koonfur Galbeed oo garabsanaya Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, ay toddobaadkan dhaqdhaqaaqyo ka bilaabeen Gobolka Shabellaha Hoose.

151856563275d21.jpg?w=696

1518565487-11910594485a83786f68394-KG.jpg?w=696

1518565488-20732499385a8378705394a-KG1.jpg?w=696

1518565489-13410272985a83787159700-KG3.jpg?w=696

1518565490-7966669145a8378722eeb2-KG5%20-%20Copy.jpg?w=696

1518565491-9121562365a837873302ab-KG6%20-%20Copy.jpg?w=696

1518565492-16572014425a8378740a2b8-KG7.jpg?w=696

1518565492-5547973805a8378746e394-KG8.jpg?w=696

1518565493-15719839425a8378756badb-KG91.jpg?w=696

1518565494-9009105605a83787680ef3-KG93.jpg?w=696

1518565494-4110465125a837876f231b-KG94.jpg?w=696

The post Sawirro: MKG oo banaanka soo dhigay boqolaal ciidan Hubeysa oo la dagaalami doona Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this