Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Axmed Madoobe oo shaaciyey inuu ku biiray dhexdhexaadinta Dowladda Itoobiya iyo ONLF

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam shaaciyey inuu ku biiray wadahadalka magaalada Nairobi uga socda dowladda Itoobiya iyo Ururka ONLF.

Wadahadalka nabadeed ee labada dhinac uga socda magaalada Nairobi ayaa waxaa soo qabanqaabiyey oo martigelinaya dowladda Kenya oo la sheegay inay u yeertay Axmed Madoobe si uu gacan uga geysto cadaadiska la saarayo labada dhinac si heshiis loo gaaro.

Qoraal la soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee facebook ayaa lagu sheegay in Axmed Madoobe ku guda jiro dadaalo uu ugu kala dabqaadayo ergooyinka kala matalaya Dowlada Itoobiya iyo Ururka ONLF ee ka qayb galaya wadahadallada kasocda Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Wakiilada kala metalaya labada dhinac iyo dhexdhexaadiyeyaasha ka socda Soomaaliya iyo Kenya ayaa la sheegay inay yihiin dad kasoo wada jeeda hal beel.

 

27973463_1044672195673681_66612567144379 27752224_1044672125673688_59932692711702 27752412_1044672082340359_64113451663853 Madoobe-Iley.jpg?resize=696%2C461&ssl=1

The post Sawiro: Axmed Madoobe oo shaaciyey inuu ku biiray dhexdhexaadinta Dowladda Itoobiya iyo ONLF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this