Sign in to follow this  
Deeq A.

Qodobada Wada-xaajoodka Ethiopia iyo ONLF.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ehiopia iyo Jabhadda ONLF oo wada-xaajood uga socdo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la sheegayaa in weli labada dhinac aysan heshiis rasmi ah ka  gaarin qodobada miiska saaran.

Xubno ku sugan magaalada Nairobi oo si hoose ula socda arrimaha shirkaan ayaa sheegaya in weli la isku fahmi la’yahay qaar kamid ah dalabaadka ay soo gudbisay jabhadda ONLF.

Dhinaca kale Af-hayeenka Jabhadda ONLF, Cabdiqaadir Xassan Hirmooge oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wada-xaajoodku si habsami leh u socdo ayna ka filayaan in wax wanaagsan ka soo baxo.

Hirmooge ayaa intaasi ku daray in haddii kulankaan la isku afgarto ay shir kale u ballami doonaan,si loo dhammaystiro arrimaha harsan.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net

 

The post Qodobada Wada-xaajoodka Ethiopia iyo ONLF. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this