Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso:-+Sawirro- Jaamacada Bariga Afrika Oo Ardayda Jaamacada uqabatay Tababar kusaabsan qorshe qofeedka istartiijiga ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Jaamacadda Bariga afrika xarunteeda Bosaso ayaa lagu qabtay tababar ku saabsan qorshaha qofeed ee istartiijiga ah waxaana ka faa’idaysanaya dhamaan ardayda Jaamacadda.

Maamulka Jaamacada Bariga Afrika, Macalimiin, tababarayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb galay tababarkan oo ay Jaamacadu soo qaban qaabisay.

Dr. Shaafici Cabdicasiis oo ka hadlay tababarka ayaa Ardayda u sheegay in qof kasta loo baahan yahay in uu leeyahay qorsho cad oo uu meel ku mari karo.

”Ujeedada tababarka ayaa ah in qofku dajisto qorshe cad, in uu yeesho Argti,  in uu sameeyo qorshe yaal wanaagsan oo uu wax ku qabsan karo.

Qorshahani wakhti badan buu u baahnaa lakiin madaama aad tihiin ardayda Jaamacada waxaan rajeynayaa in aad ka faa’idaysatan”sidaas waxa yiri Dr,Shaafici Cabdicasiis oo tababarkan bixinayey.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Bariga Afrika  Maxamuud Maxamed Ciise oo ugu danban tababarka ka hadlay ayaa Ardayda u balan qaaday in sanadkiiba mar loo qaban doono tababar noocan oo kale ah waxana uu kula Dardaarmay in ka ,faaidaystan.

Ugu danbayn tababarkan ayaa ku soo dhamaaday Jawi dagan ardayduna waxa ay sheegen in si wanaagsan ay uga Faa’idaysteen.

Halkan hoose ka dhagayso Codadka

      Codadka Jaamacada Bariga Afrika

jaa4-300x200.jpg jaaaa-6-300x200.jpg JAAAA-777-300x200.jpg JAAAAAAAAAAAA888-300x200.jpg JAAAAAAAAAAAAAAA11-300x200.jpg JAAAAAAAAAAAAAAAAAAA-9-300x200.jpg JAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAA12-300x200.jpg jaamac-2-300x200.jpg jaamacad1-300x200.jpg jaamacad-3-300x200.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this