Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso:-DFS iyo Maamul Goboleedyada Dalka Oo Heshiis kumeel gaar ah ka gaaray Qaybsiga Qayraadka dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Wasiirka wasaarada Dastuurka ee DFS C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo Wafdi uu hogaaminayo  oo ku sugan magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa sheegay in laga wadahadlay Qaybsiga Canshuuraha iyo daqliga , Xalkagaarista is qabqabsiga kataagan Dekedaha Dalka iyo Awoodaha ay kala leeyihiin DFS iyo Maamul Goboleedyada dalka.

 

Wasiirka ayaa sheegay in shirkii Amniga uu ka soo baxay heshiis Gaaban oo kumeel gaar ah oo kaluumaysiga ah, kaas oo si kumeel Gaar ah loogu sii wada shaqayn doono inta laga gaarayo Heshiis Dhab ah .

 

Waxa uu sheegay Wasiir Xoosh Jibriil in ay muhiin tahay in lahelo Hay,ad laguwada midaysanyahay iyo in maqaamka Muqdisho lagawadayeesho Aragti midaysan iyo in xal uraadinta arita ku saabsan  goosashada  maamulka Soomaaliland iyo muranka kataagan Xuduudaha ay wadaagan Puntland iyo Soomaaliland ee Gobolada Sool iyo Sanaag.

Hadaba hoos ka dhagayso  Wasiir Xoosh.

      Wasiir Xoosh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this