Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Soomaaliya oo sheegay in ay Al-shabaab ka saareen degaanno ka tirsan gobolka Gedo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Militariga Soomaaliya ayaa la sheegay in ay Al-shabaab ka qabsadeen degaanno ka tirsan gobolka Gedo oo u dhow xadka  Jubbada Hoose,sida ay baahisay Warbaahinta dowladda.

Taliyaha Ururka 49 aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdifitaax Maxamed Turbac oo saaka la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka saareen degaanka Caanaale iyo tuuloooyin badan oo hoosyimaada,islamarkaana ay ku sii jeedan degaanno hor leh oo tirsan gobolka Gedo.

Ma jiro war ka soo baxay dhanka Al-shabaab oo arrintaasi ku aaddan iyo sidoo kale cid ka madax-bannaan Warbaahinta dowladda oo xaqiijisay midna.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net

The post Militariga Soomaaliya oo sheegay in ay Al-shabaab ka saareen degaanno ka tirsan gobolka Gedo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this