Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Soomaaliya oo Al-shabaab ka saaray degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Recommended Posts

Deeq A.   

SONNA-2-640x360.jpg?resize=640%2C360

Militariga dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa maanta Al-shabaab ka qabsaday degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka SONNA.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Mudane. Ibraahim Aadan Najax ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in militariga Soomaaliya ay Al-shabaab ka saareen degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ,islamarkaana haatan uu ka socdo Baaritaan lagu xaqiijinayo amniga degmadaasi.

Guddoomiye Najax, ayaa sheegay in Ciidanka Huwanta ah ay ku dhowyihiin degaanno kale oo Degmadda Sablaale ay deris yihiin, islamarkaan Saldhigyo ay ku leeyihiin Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Militariga Soomaaliya oo Al-shabaab ka saaray degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this