Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ku saabsan Shabaab oo ku dhawaad 100 qof ku xiray Awdheegle iyo sababta ka dambeyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Awdheegle (Caasimadda Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in ku dhawaad 100 qof ay ku qabtayn Howlgal ay ka sameeyeen degmada Awdheegle ee shabeelaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in 76 qof oo isugu jira Carruur iyo dad waayeelo ah ay ku xirayn degmadaasi, dadka la xiray ayaa la sheegay in intooda badan ay ahaayeen dadkii shalay Ciidamada Dowladda hadalka u jeediyeen markii ay qabsadeyn Degmadaasi.

Shabaab ayaa dadkaan isugu geeyay barxad ku taala Awdheegle waxayn ku tilmaamayn shacab laba wajiile ah, lama oga nuuca ciqaabta ay marsiin doonaan balse waxaa jira walaac laga qabo sida dadkaasi ka yeeli doonaan Shabaab.

Ciidamada Dowladda ayaa shacabka Awdheegle shalay la kulmay waxayna qaar ka mid ah shacabka ku wareejiyeen Ciidamada qalab ay ka mid ahaayeen Moobeelo Sim-cards iyo agabyo kale.

Mas’uuliyiinta gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Ciidamada iyo saraakiishooda ku eedeeyay mas’uuliyad darro maadaama halis geliyeen amaanka dadkiii ku noolaa goobihii ay ka soo laabtayn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Faahfaahin ku saabsan Shabaab oo ku dhawaad 100 qof ku xiray Awdheegle iyo sababta ka dambeyso appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this