Sign in to follow this  
Deeq A.

Telefashin caan ah oo kashifay halka ay al-Shabaab ka helaan dhaqaalaha lagu fuliyo Qaraxyada & Weerarada (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida uu baahiyey Tv-ga CNN ee kasoo baxay dalka Mareeykanka Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa dhaqaale xoogan sanad waliba ka sameeya gargaarka ay bixiyaan dowladaha saaxiibada la ah Somalia.

Tv-ga ayaa sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay gargaarkaasi ka macaashan malaayiin dollarka Mareykanka ah, waxaana la xaqiijiyay in dhaqaalahaasi ay ku maareeyan Qaraxyada, Dilalka iyo weerarada Joogta ah.

Telefeshinka waxa uu sheegay in dhaqaalahaasi ay ku howlgalaan maleeshiyaadka muddo sanad ah, waxaana la xaqiijiyay in gargaarka ay Shabaabka ka macaashaan uu yahay midka Somalia uga imaada dowladaha reer Galbeedka.

Waxaa warbixinta lagu sheegay in macaashka al-Shabaab ee gargaarka lagu ogaaday baaritaan ay sameeyen khubaro ka tirsan Xarunta Tv-ga.

Warbixinta ayaa tibaaxeysa in lacago QM ay si toos ah u siiso dadka gudaha ku barakacay ay ku dambeeyan Gacanta al-Shabaab.

Sidoo kale, Telefeshinka oo xiganaya mas’uul ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Somalia oo uu sheegay in uu horay uga tirsanaa al-Shabaab ayaa tilmaamay in al-Shabaab kumanaan dollar maalintii ay ka Sameeyan Canshuur ay ka qaadaan gargaarkaasi.

Dhinaca kale, warbixin dheer ee uu qoray Tv-ga ayaa lagu sheegay in arintaan ay dhabar jab ku tahay qorshaha lagu ciribtiraayo maleeshiyaadka al-Shabaab.

Gargaarka ay shabaab lacagta ku helaan ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay ilaha dhaqaalo ee wanaagsan Al-shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Telefashin caan ah oo kashifay halka ay al-Shabaab ka helaan dhaqaalaha lagu fuliyo Qaraxyada & Weerarada (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this