Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay sababta keentay inay Ciidamada dowladda iyo AMISOM isaga soo baxaan deegaanadii ay shalay kala wareegeen Shabaab?

Recommended Posts

Deeq A.   

Awdheegle (Caasimadda Online) – Ciidamadaa Dowladda Soomaaliya ayaa dib uga baxay degaanno ka mid ah Gobolka Shabeellaha hoose oo ay shalay kala wareegeen Xarakada Al-shabaab.

Ciidamada ayaa shalay subaxii hore la wareegay Degmada Awdheegle iyo degaannada Mubaarak,Farsooley,Daarusalaam iyo Ugunji,waxaana isla shalayba ay ciidamada dib uga soo baxeen kaddib qabsashadoodii.

Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa dib u qabsaday degaannadaas ay banneeyeen Ciidamada dowladda iyaga oo sheegay in Ciidamadii dowladd iyo AMISOM ee shalay subaxii qabsaday ay ka baxeen.

Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Jen Cabdullahi Cali Caanood ayaa sheegay in Saldhig Al-shabaab ay kula haayeen Mubaarak ay ku bur buriyeen saldhig iyo Gaadiid ay ka buuxaan walxaha qarxa oo uu sheegay in Muqdisho loo waday.

Ciidamada AMISOM iyo saraakiisha dowladduba wali kama hadlin dib uga bixidda degaannadii ay shalay qabsadeen inkasta oo maamulka Gobolka Shabeellaha hoose uu sheegay in xeelad ciidan ay tahay dib uga gurashada degaannadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Maxay tahay sababta keentay inay Ciidamada dowladda iyo AMISOM isaga soo baxaan deegaanadii ay shalay kala wareegeen Shabaab? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this