Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo cambaarayn culus ujeedisay maamulka Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa si xoogan u cambaareysay xariga uu maamulka Hargeysa ugeystay Naciimo Awbaan Qorane oo ah Gabadh Abwaanad ah oo aaminsan fikirka Soomaaliweyn iyo Maxamed Keyse Maxamuud oo dhawaan qoray buug uu ku ammaanayay M/weyne Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay safaarada ayaa Soomaaliland ayaa loogu baaqay maamulka Hargeysa inay si degdeg ah xoriyadooda ugusoo celiyaan labadaan muwaadin, waxayna safaaradu ugu yeertay maamulka Somaliland inuu ilaaliyo xaquuqda xoriyada hadalka.

Safaaradda Maraykanka ee Somalia Waxay cambaaraynaysa xadhiga Naciima Axmed Ibraahin iyo Maxamed Kayse Maxamuud ee Somaliland ku xidhan. Waxaan ugu baaqayna dhammaan masuuliyiinta in ay ilaaliyaan xuquuqda hadalka ee aan qofka laga qaadi Karin,” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee saaraddu ku leedahay.

Abwaan Qorane oo ah Aabaha dhalay Naciimo Qorane, ayaa sheegay gabadhihiisa in loo diiday inuu la kulmo tan iyo markii uu warbaahinta kasii daayay in si sharci darro lagu xiray gabadhiisa ayna ku saxan tahay mowqifka Soomaalinimo ee ay aaminsan tahay.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this