Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo kulan la leh Golaha Xukuumadda Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan wada-tashi ah oo u dhexeeya Golaha xukuumadda Puntland iyo wefdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa haatan ka socda magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(cameey) ayaa shir guddoominaya kulanka oo looga tashanayo tubta loo marayo dib u-eegista iyo turxaan-bixinta Dastuurka Soomaaliya,waxaana goob joog ah xubno ka tirsan Gudigga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka,kuwaasoo la socda wefdiga Wasiirka.

Kulanka haatan socda ayaa daba jooga  laba kulan oo maalintii shalay ay wefdigaan la qaateen Gudigga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Puntland iyo Bulshada rayidka ah ee PUNSA oo looga wada hadlay isla arrimaha dib u-eegista iyo turxaan-bixinta Dastuurka.

Warkaan kala soco:Puntlandpost.net

The post Wasiirka Arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo kulan la leh Golaha Xukuumadda Puntland. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this