Sign in to follow this  
Deeq A.

Culimada Puntland oo bayaan kasoo saaray sicir bararka qiimaha Xajka, baaq xoogana udiray dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Recommended Posts

Deeq A.   

BAYAANKA CULIMADA PUNTLAND EE KU WAJAHAN DAWLADDA FEDERALKA QODOBADA BAYAANKU TAABANAYO

Annagoo ah culimada Puntland eek u kulantay Garowe waxaan taageersanahay hannaanka wanaagsan ee dawladda federalku wax ku wado kaasoo ku astaysan maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Waxaan hadaba baaqaan u soo gudbinaynaa madaxda dawladda federalka, madaxda dawlad-goboleedyada, baarlamaanka federalka, golaha wasiirada, culinmada soomaaliyeed iyo cid kasta oo masuuliyad ku leh arimaha xajka iyo cumarada.

Wuxuu baaqayagu ka kooban yahay arimahan hoos ku qoran:

  • Waxaan taageersanahay baaqii hore ee culimada puntland u gudbisay madaxweynaha dawlada federalka xilligii uu safarka ku yimid
  • Sidoo kale waxaan taageersanahay warsaxaafadeedkii wasiirka cadaalada, arimaha diinta iyo dhaqancelinta puntland uu jeediyey ee uu kaga hadlay arimaha xajka iyo cumrada
  • Waxaan ku baaqaynaa in dawladda federalku si buuxda ula wareegto gacantana ku dhigto dhammaan arimaha xajka iyo cumrada dibad iyo
  • Waa inay Shacabka soomaaliyeed oo abaaro iyo colaado diloodeen helaan sinnaan iyo cadaalad kana baxaan dulmiga iyo musuqmaasuqa, si ay Rukniga islaamiga ah ee Xajka iyo cumrada u
  • Waa in tartan furan oo xor ah ay helaan shirkadaha doonaya inay ka shaqeeyaan arimaha xajka iyo
  • Shacabka soomaaliyeed waa inay la mid noqdaan shucuubka kale ee geeska afrika xagga kharashka iyo dhammaan adeegyada xajka iyo
  • Waa in la suuragaliyaa sidii shacabku fiisaha uga heli lahaayeen gudaha dalka, lagana soo wareejiyaa safaaradaha sacuudigu ku leeyahay Jabuuti iyo Naitobi, si ay u fududaato arimaha xajka iyo

Allah baa mahad leh

Waa baaqii Culimada Puntland ee ku kulantay Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this