Sign in to follow this  
Deeq A.

Culimadda Puntland oo baaq u direy Dowladda Federalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ka dib Shir ay ku yeesheen magaalada Garowe Culimadda Puntland ayaa laga soo saarey bayaan ku wajahan Dowladda Federalka Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyadda, Baarlamanka Soomaaliya, Gollaha Wasiiradda Dowladda Federalka iyo Culimada Soomaaliyeed ka dib kulan ay kaga xaajoodeen Arrimaha Xajka iyo  Cabasho xoog leh oo ka jirta kharashka laga qaado Xaajiyadda Soomaalida xilliyadda ay u dhoofayaan Cumraysiga.

Culimadda ayaa sheegay inay  taageersan yihiin hanaanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq maasuqa , waxayna ugu baaqeen Dowladda Federalka Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto gacantana ku dhigto  arrimaha xajka iyo cumrada dibadda iyo gudaha.

Waxay sheegeen dadka ka dhoofaya Soomaaliya xilliyadda xajka inay noqdeen kuwa qiimaha ugu qaalisan ku taga Xajka, Iyagoona ugu baaqay cid kasta oo ay quseyso deg deg inay wax uga qabato madaama colaado iyo abaaro isugu darsameen ummadda Soomaaliyeed islamarkaana aysan xamili karin lacag tiro badan oo ay kusoo xajiyaan si ka duwan dalalka kale ee caalamka.

Culimo udiinka ayaa sheegay inay taageersan yihiin Warsaxaafadeedkii Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland uu dhawaan ku dhaliilay qiimaha dadka Soomaaliyeed ku tagaan Xajka oo uu ku eedeeyay mid ka mid ah shirkaddaha duulimaadyadda ee Dalka Soomaaliya “ Halkan ka daawo”.

Bayaanka Culimadda ayaa loogu baaqay Dowladda Federalka Soomaaliya inay helaan tartan furan oo xor ah shirkaddaha duulimaadyadda ee ka shaqeeya arrimaha xajka, wuxuuna kusoo beegmayaa bayaankoodu xilli uu iska fogeeyay Maamulka Shirkadda Jubba Airways Eedeyntii uga timid Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland.

Hoos ka akhriso bayaanka culimadda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Culimadda Puntland oo baaq u direy Dowladda Federalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this