Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho oo furay Ololaha Nadaafadda iyo bilic soo celinta Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Olole-nadaafadeed-muqdisho-3.jpg?resize=Muqdisho (PP) ─  Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay ololaha Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda oo maanta si rasmi ah uga bilowday Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa socod ku soo maray goobaha qashinka laga gurayey oo kamid ah degmada Xamar-Weyne, waxana uu gacantiisa kaga qayb qaatay guridda qashinka, isagoo ku dhiirigeliyey shacabka Muqdisho in kaalintooda ay ka qaataan bilicda caasimadda oo muhiim u ah soo celinta sharafkii ay lahayd.

“Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo ka qeyb qaadata nadaafadda iyo bilicda magaalada, shacabkana waxaan ugu baaqaynaa in door-kooda ay qaataan oo iska guraan qashinka”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ujeedku yahay guud ahaan degmooyinka kale ee Muqdisho in laga guro qashinka, taasi oo ah qorshe looga golleeyahay in lagu nadiifiyo caasimadda laguna soo celiyo quruxdii ay lahayd.

Ugu dabmeyn, Tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay ee uu qaado guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, iyadoo guddoomiyihii ka horreeyya uu sidan oo kale u furay olole nadaafadeed oo degmooyin badan lagu nadiifiyay.

Olole-nadaafadeed-muqdisho-1.jpg?resize= Olole-nadaafadeed-muqdisho-2.jpg?resize= Olole-nadaafadeed-muqdisho-4.jpg?resize=

PUNTLAND POST

The post Duqa Muqdisho oo furay Ololaha Nadaafadda iyo bilic soo celinta Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this