Sign in to follow this  
Deeq A.

Maqaal:- Dowlada Madaxweyne Farmajo maxaa u qabsoomay sanad kadib?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa sanadkii tagey ee horaantii bishii February 8, 2017 Soomaaliya ka dhacay isbadal, isbadalkaas waxaa hormuud ka ahaa xildhibaanada Dowlada aFederalka ah ee Soomaaliya, tartan adag oo ay galeen musharaxiin kor udhaafaya 20 ayey kasoo xusheen Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmajo oo si aqlabiyadleh uga guuleystey X.  Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud oo heleyna 184 cod.

Xaflad aad loo soo agaasimey oo kadhacydey Villa Somalia ayaa waxaa xilka kula wareegey Madaxweyne Farmajo taariikhdu markey ahayd 16 Feb 2017, waxaa xafladaas kasoo qeyb galay dowlado farabadan oo ay ugu horeeyaan wadamada dariska la’ah Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida ayaa aad usoo dhoweeyey doorashada Madax weyne Farmajo, waxaa dal iyo dibadba isqabsadey isu soo baxyo iyo xaflado lagusoo dhoweynayo madaxweynaha cusub, waxaa dal iyo dibadba caan ka noqotey oraahdii “AR FARMAJO II GEEYA” oo Cabdulahi Maxamud Cismaan uu alifey taasoo baraha bulshada la isla dhexmarey muddo badan aakhirkiina ajaanib ay isticmaaleen sida link hoose ka kamuuqda.

Madaxweyne Farmajo wuxuu Ra’iisul wasare usoo xushey Mudane Xassan Cali Kheyre taariikhdu markey ahayd 23 Feb 2017 oo isaguna wuxuu soo dhisey xukuumad aad loo soo wada dhoweeyey taarikhd 21 March 2017 taasoo kor usii qaadey rajadii ummada Soomaaliyeed.

Muddada yare e ay jirtey Dowlada Ra’iisul wasare Kheyre ayaa waxaa dhacdey 3 May 2017 in afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya lagu diley Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guriyeynta AUN marxuum Cabbaas Shiikh Cabdulahi Siraaji oo ahaa wiil dhalinyar, firfircoon aqoontiisuna aad usareyso, wakhtigaas  Madaxweyne Farmajo wuxuu booqasho ku joogey dalka Itoobiya walow madaxweynuhu uu soo gaabiyey safarkiisii.

Madaxweyne Farmajo ayaa digreeto Madaxweyne wuxuu ku magacaabay Agaasimaha Madaxtoyada Soomaaliya taariikhdu markey ahayd  31 May 2017, waxana loo magacaabey Fahad Yaasiin oo ah aqoon yahan doorweyn kulaha guushii Madaxweyne Farmajo .

Guulihii Dowladu Gaartey 2017

  • 8 February 2017 waxaa Madaxweyne loo doortey Maxamed Cabdulahi Farmajo
  • 23 February 2017 waxaa R’iisul wasaare loo magacaabey Xasan Cali Kheyre
  • 21 March 2017 Waxaa ladhisey goloha wasiirada Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya taasoo aad loosoo wada dhoweeyey marka laga reebo shakhsiyaad iska dhexwaayay liiska.
  • 1 April 2017 Xildhibaanada aqalka hoose ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xukuumada Ra’iisul wasaare Kheyre
  • 10 May 2017 Shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada London ee Caasimadda Britain kaasoo qodobo muhiim u ah dowladda Federaalka Soomaaliya laga soo saarey.
  • 29 March Waxaa la furey duulimaadyadii sida toos ka ah isaga kala gooshi jirey Muqdisho Nairobi
  • 7 June 2017 Waxay dowladu door dhexdhexaad ah ka qaadatey khilaafkii soo kala dhex galay dowlaada Khaliijka taasoo xurguf siyaasadeed ka dhex abuurtey gudaha Soomaaliya
  • 13 August 2017 Waxaa gacanta Dowlada soo galay  Afhayeenkii hore ee ururka Alshaab Sh. Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur.
  • 20 Aug 2017 go’aan ka qaadashadii daminta xasaradihii ka aloosnaa Mamulka Hirshabelle taasoo aakhirkiina loo dhisey maamul goboleed fadhiya
  • 30 Sept 2017 waxaa ladaah furey Saldhiga Turkigu kahirgaliyey magalada Muqdisho kaasoo lagu tababari doono ciidanka xooga dalka Somaliya
  • 12 Oct 2017 Waxaa dowlada Federaalku ku guuleysatey daminta xiisadii siyaasadeed ee soo kala dhexgalshey maamul goboleedyada iyo dowlada federalka ah .
  • 5 Nov 2017 waxaa shir 10 cisho ka socdey villa Soomaaliya lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho kaasoo qodobo muhiim ah looga hadley balse aan wax xal ah looga gaarin arintii Khaliijka.
  • 6 Dec 2017 Hirgalinta hishiiskii maamulka Galmudug iyo Ehlu Sunna ee gobolada dhexe
  • 7 ilaa 24 January 2017 Maxadweyne Farmajo wuxuu safar kukala bixiyey gobolada dalka gaar ahaan Puntland iyo Galmudug isagoo soo dhagax dhigey mashaariic farabadan, sidoo kalana kaqeyb galay wada hadaladii udhexeeyey Galmudug iyo Ehlu Sunna ee ka dhacay caasumadda Maamalka Galmudug ee Dhuusomareeb gobolka Galgaduud.
  • Dowladu waxay ku guuleysatay in ay si nadaamsan ay u bixiso mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada oo xuquuqdooda helay xiligii loogu tala galay.

Caqabadihii ka horyimid Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya 2017

  • 3 May 2017 waxaa xilli habeyn ah lagu diley afaafka hore ee madaxtoyada Soomaaliya wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Guriyeynta AUN Marxuum Cabaas SH. Cabdulahi Siraaji waxaana diley askari ka tirsan ilaalada Hanti dhowrihii guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale.
  • 14 August 2017 waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Zoobe kadhacay qaraxii lagu hobtey ee dadbadan oo rayid ah ku dhinteen.
  • 16 August 2017 Madaxda Maamul goboleedyada qaarkood ayaa si adag uga horyimid go’aankii dowlada federalka ah ay ka qaadatey dhexdhexaadnimada xasaradihi ka aloosnaa wadamada Khaliijka Carabta.
  • 25 August 2017 Ciidamo Mareykan ah iyo Kuwa Soomaaliya ayaa weerar ka fuliyey deegaanka Bariire waxaana ku dhintey 10 qof, taasoo dhalisey xiisad dowladu kala kulantey siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda deegaankaas.
  • 29 August 2017 Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugacan galisey Dowlada Itoobiya Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbidhagax taasoo dowladu ku kasbatey dhaleeceyn badan oo uga timid Shacabka, Siyaasiyiinta dowlada Mucaarad ku ahiyo mu’ayidba iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.
  • 26 Sept 2017 Waxaa Dowlada lagu eedeeyey qalalaase siyaasadeed ee kadhex qarxey maamulka Galmudug
  • 11 Oct 2017 waxaa shir lagusoo gabagabeeyey magaalada Kismayo ee Caasimadda Maamulka Jubbaland lagu sheegey Isbahaysi ka dhan ah dowlada Federalka ah ee Soomaaliya kaasoo walaac weyn uu ka dhashey.
  • 12 October 217 Wasiirkii Gaashaandhiga iyo Taliyihii Ciidanka Xooga dalka ayaa iscasiley habacsanaan xaga amniga ah awgeed, maalmo yar kadibna waxaaba dhacay musiibadii qaraxii isgoyska ZOOBE.
  • 29 October 2017 Wasiirada Xukuumada Federalka ah ee Soomaaliya ayaa xilalkii ka xayuubisey Agaasimihii Hay’ada Nabadsugidda Soomaaliya Cabdulahi Maxamed Cali Sanbololshe iyo Taliyihii Booliska Soomaaliyeed  Cabdikariin Daahir Saacid
  • 15 November 2017 Waxaa xilkii wasiirnimo iska casishey Dr.Maryan Qaasin oo ahayd Wasiirada Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka
  • 14 December 2017 Qarax xoogan ayaa kadhaxay xerada tababarka ee jeneral Kaahiyo ciidanka oo saf kujira.
  • 17 December 2017 Waxaa goor habeyn ah laweerarey guriga siyaasi Cabdirixmaan Cabdishakuur taasoo dowladu kala kulantey dhaleeceyn iyo mucaaradad adag.
  • 30 December 2017 Ciidamo hubeysan ayaa gudaha ugalay guriga Senetor Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid falkaaso oo dowladu uga jawaabey xarig loogeystey ciidankii iyo taliyihii watey.

Safaradii uu dalka uga Baxay Madaxweyne Farmajo Sanadkii uu Xilka hayay.

Tiro Dalkuu Usafrey Taariikhda Safarka Taariikhda Soo noqoshada Inta maalmood uu ku maqna
1 Sucuudiga 23 Feb 2017 26 Feb 2017 3 Maalmood
2 Kenya 22 March 2017 24 March 2017 2 Maalmood
3 Urdun 29 March 2017 31 March 2017 2 Maalmood
4 Imaaraadka 10 April 2017 13 April 2017 3 Maalmood
5 Turkiga 26 April 2017 29 April 2017 3 Maalmood
6 Ethiopia 3 May 2017 4 May 2017 2 Maalmood
7 London Uk 10 May 2017 11 May 2017 2 Maalmood
8 Sucuudiga 21 May 2017 22 May 2017 2 Maalmood
9 Jabuuti 23 May 2017 24 May 2017 2 Maalmood
10 Qadar 25 May 2017 26 May 2017 2 Maalmood
11 Uganda 21 June 2017 23 June 2017 2 Maalmood
12 Masar 20 Aug 2017 23 Aug 2017 3 Maalmood
13 Sucuudiga 26 Aug 2017 28 Aug 2017 2 Maalmood
14 Sudan 5 Oct 2017 7 Oct 2017 3 Maalmood
15 Uganda 22 Oct 2017 23 Oct 2017 2 Maalmood
16 Ethiopia 23 Oct 2017 24 Oct 2017 2 Maalmood
17 Jabuti 24 Oct 2017 25 Oct 2017 2 Maalmood
18 Imaaraadka 19 Nov 2017 21 Nov 2017 3 Maalmood
19 Kenya 28 Nov 2017 30 Nov 2017 2 Maalmood
20 Senegal 30 Nov 2017 2 Dec 2017 3 Maalmood
21 Masar 7 Dec 2017 10 Dec 2017 4 Maalmood
22 Turki 11 Dec 2017 12 Dec 2017 2 Maalmood
23 Ethiopia 27 Dec 2017 30 Dec 2017 4 Maalmood
ISUGEYN SAFARKII SANAD KADIB EE MADAXWEYNE FARMAJO  8 Feb 2017- 8- Feb 2018 58 Maalmood

Isugey waxan oran karnaa 2 bilood oo dhiman 2 maalin, ama bil iyo 28 cisho.

F.G. Safaradaan madaxweynuhu dalka uga baxay inteedo badan waxay ahaayeen kuwo aan laga fursan karin oo xaaladaha markaas jirey aan looga maarmi kareyn sida taageero uraadintii qaraxii Zoobe, mushkiladihii Khaliijka, Shirkii London, ka qeybgalkii caleemo saarkii madaxweynaha Kenya iyo Uganda IWM.

Gabagabo

Sidaan lawada socono taariikhda dalkeena iyo dowladnimadiisa intii ka dambeysey burburkii iyo qaran jabkii Soomaaliyeed waxay noqotey Dowlada loogu taageero badan yahay shacab ahaan dal/dibad iyo siyaasad ahaan, waxay kasbatey quluubtii shacabka iy dowladaha deeq bixiyayaasha ah, waxaa yaraadey isqabqabsigii udhexeeyey madaxda Dowlada, waxaa soo ifbaxay humaag iyo ifafaale taabogal lagu tilmaami karo lana aamini karo.

Afeef:- Waxaan ka cudurdaaranaa  wixii khalad ah ee iga dhacay oo kutalo gal aanan u qorin, wixii aan saxayna allah ayaa igaradsiiyey.

W/Q: Maxamed Siciid Qodobey

The post Maqaal:- Dowlada Madaxweyne Farmajo maxaa u qabsoomay sanad kadib? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this