Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: 9 qof oo loo xiray ka ganacsiga diinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) –Somaliland ayaa waxaa ay dad u xirtay ka ganacsiga xayawaanka diinka, arrintaas oo bilihii ugu dambeysay laga dareemayey guud ahaan Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo maanta warbaahinta kula hadashay magaalada Hargeysa ayaa sheegtay in ay xabsiga u taxaabeen sagaal ruux oo lagu qabto iyagoo ka ganacsanaya xayawaanka Diinka.

Wasiirku waxay intaasi ku dartay in ka ganacsiga duurjoogtu uu yahay mid ka mamnuuc ah Somaliland marka loo eego xeerarka iyo sharciga.

“9-ruux oo midi wiil yar yahay oo lacagta usoo uruurinaayay ayaanu kusoo qabanay, diimanka aanu maanta kusoo qabanay waa kuwo waawayn oo culus oo aan dhulkaba laga hinjin karayn” ayay tidhi wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil.

Ugu dambeyntii, wasiirka deegaanka Somaliland waxaa ay sheegtay in maxkamad lasoo taagi doonno dadkan lagu qabtay ka ganacsiga Diinka isla markaana sharciga la hor gayn doonno.

The post Somaliland: 9 qof oo loo xiray ka ganacsiga diinka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this