Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wada-hadallo u furmay Ethiopia iyo ONLF

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Wadahadallo u dhaxeeya Dowladda Itoobiya iyo Ururka ONLF ee u dagaallama xoreynta Dowlad Degaanka Somalida Itoobiya ayaa maanta ka furmay Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

Cali Bunow Qorane oo ah Guddoomiyaha Gaarisa ayaa sheegay in isaga uu yahay isku xiraha wadahadallada u dhaxeeya Itoobiya iyo ONLF,waxaana uu intaas ku daray in lixdii Sano ee la soo dhaafay uu ka shaqeynayay sidii uu heshiiskan u dhici lahaa.

Qorane ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay heerka waanagsan ee uu hadda soo gaaray wadahadallada Itoobiya iyo ONLF,waxaana uu ku tilmaamay in wajiga 1aad uu yahay shirka hadda ka furmay Nairobi.

Siyaasiyiin Magac ku leh Somalida Kenya ayaa ka qeybgashay furtaanka shirkan waxaana ka  mid ah Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo Siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda dhinaca Itoobiya iyo dhinaca Kenya.

N2.png?resize=696%2C387&ssl=1N3.png?resize=696%2C466&ssl=1N4.png?resize=696%2C383&ssl=1O1-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Wada-hadallo u furmay Ethiopia iyo ONLF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this