Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf ‘’Waxaan go’aan ku gaarnay inaan meel ku hubsano qorshooyinkii aan degnay ee muhiimka noo ahaa’’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), ayaa ka hadlay suuragalnimada in maamulkiisa uu irdaha isugu furo dhammaan deegaanada kala xiran ee hoostaga maamulkiisa.

Xaaf, waxa uu sheegay inay wadaan qorsho ku aadan isku furida deegaanada ay ku dhuumaaleystaan al-Shabaab ee hoostaga maamulka, waxa uuna tilmaamay in fulinta talaabooyinkaas ay la qabaan maamulada kale ee ka jira dalka.

Hogaamiye Xaaf, waxa uu sheegay in Madaxda Qaranka ay ku cadaadinayaan sida maleeshiyada al-Shabaab looga saari lahaa deegaano farakutiris ah oo ay saldhigteen, waxa uuna cadeeyay inay muhiim tahay in la nabadeeyo deegaanada kale.

Waxa uu cadeeyay in maamulka uusan fulinkarin dhammaan talaabooyinkaas, waa haddii aan la helin shacab garab istaaga maamulka iyo ciidamadiisa.

Sidoo kale Hogaamiyaha Galmudug ayaa sheegay hadii aanay shacabka canshuurta bixin in aanan la gaareyn horumar, aysana jiri doonin Waxbarasho tayeysan, Caafimaad buuxa, iyo Amni la isku haleyn karo, wuxuuna ku baaqay in si joogto ah loo bixiyo Canshuurta.

Xaaf, ayaa sheegay hadii ay yihiin Dowlad Goboleedyada in ay ku tashadeen in Dowladda Federaalka ay la shaqeeyaan, Maamul walbana uu degaankiisa uga xoreyn lahaa xoogaga ururka Al-shabaab.

Haddalka, Xaaf ayaa imaanaya xili ay maleeshiyaadka al-Shabaab gacanta ku hayaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.coma

The post Xaaf ‘’Waxaan go’aan ku gaarnay inaan meel ku hubsano qorshooyinkii aan degnay ee muhiimka noo ahaa’’ appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this