Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in la kordhinaayo duqeymaha lala beegsado kooxda Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa sheegay in la kordhinaayo duqeymaha ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ee lagu beegsanaayo Saldhigyada Shabaabka ay joogaan.

Farmaajo oo Wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Somaliga BBC, ayaa wuxuu sheegay, iyadoo laga duulaayo dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ee dowladda Somaliya ku jirto in la kordhinaayo duqeymaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dalalka caalamka ka codsan doonto in duqeymaha la xoojiyo si looga adkaado Al-Shabaab.

Waxa uu sidookale sheegay Madaxweynaha duqeynta lala beegsanaayo Shabaab in laga taxadaraayo i ay waxyeelo ka soo gaarto dadka shacabka ah, waxayna arintaasi ka wada hadleen masuuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka, maadaama Mareykanka ay fuliyaan duqeymaha diyaaradaha.

“Duqeymaha waa dhab waa ay bateen waana ay sii badan doonaan, maxaa yeelay Shabaab iyo argagixiso in aan ka ciribtirno Somaliya muddo kooban, kaliya ma kula dagaali karno ciidanka dhulka ah, mana hayno ciidan cir, Mareykanka waxa ay ii xaqiijiyeen in bartilmaameedkooda uu yahay meelaha ay joogaan Shabaab, si dadka shacabka ah waxyeelada looga ilaaliyo.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in la kordhinaayo duqeymaha lala beegsado kooxda Al Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this