Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo Xabsiga dhigtay Nin Buug ka qoray Guushii Doorashada Madaxweyne Farmaajo  

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Ciidammada sirdoonka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabee Maxamed Kayse Bigeeye oo la sheegay in uu buug ka qorayay madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Eng. Maxamed Keyse oo qoray buugga la magac baxay: “Tusaalaha Guusha” ayay qoyskiisa xaqiijiyeen inuu maalintii saddexaad ku xiran magaalada Hargeysa, iyadoo lagu heysto buugga uu ka qoray madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya inaan weli Buugga la soo bandhigin, laakiin qoraaga yaa bartiisa facebook-ga ku soo bandhigay ogeysiis ah buugga inuu dhameystiray qoristiisa goor dhowna uu soo bandhigi doono balse Ciidamada sirdoonka Somaliland ayaa ka war helay xabsiga dhigay.

Eng. Maxamed Kayse Maxamuud ayaa ah nin dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Hargaysa kana soo jeeda Bariga Burco, waxaana shalay la horgeeyay maxkamada gobolka Maroodi-jeex oo amartay in dib loo dhiggo kiiska dacwadda.

27751502_1776973252354867_82171075934893

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in qoraaga xiriir la lahaa wasiirka wasiirka ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, wuxuuna bartiisa Facebook kusoo banadhiggay sawirro uu ku wehliyo wasiir Maareeye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Somaliland oo Xabsiga dhigtay Nin Buug ka qoray Guushii Doorashada Madaxweyne Farmaajo   appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this