Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo jabhadda ONLF oo uu wada hadal rasmi ah uga furmay Nairobi.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo Jabhada ONLF ayaa bilaabay wada hadal rasmi ah oo uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa hogaaminaya xubnaha wada hadalka la galaya jamhadda ONLF, taasoo muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda Ethiopia.

Waa wada hadalkii labaad oo dhexmaraya labada dhinac tan iyo sannadkii 2012, xilligaas oo shir sidaan oo kale ah la isugu yimid, balse wax natiijo ah shirkaas lagama gaarin.

Arrimaha ugu weyn ee shirkaan la filayo inay kasoo baxaan ayaa ah xabbad joojin labada dhinac ay heshiis ku gaaraan iyo in lasoo afjaro colaada.

Wada hadalkaan ayaa loo arkaa talaabo dhanka wanaagsan loo qaaday laguna soo afjarayo qalalaasaha in muddo ah ka taagaanaa Gobolkaas.

Jabhada ONLF ayaa muddo dheer dagaal hubaysan kula jirta Dowladda Ethiopia dagaalkaas oo ay dad badani ku naf waayeen kumanaan kalena ku baro kaceen.

27752215_2297195443639864_27456527529774

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this