Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose oo degan kaddib dagaal xalay ka dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye(Caasimadda Online)-Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Xaalad deganaansho ah laga dareemayo kaddib dagaal culus oo xalay halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Dagaalka oo aan weli la shaacin khasaaraha ka Dhashay ayaa Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee degmadaasi waxa ay sheegeen in ay ka hortageen Weerar kaga soo wajahnaa dhanka kooxda Al_Shabaab.

Wararkii u dambeeyey ee naga soo gaaraya Afgooye ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska ay wadaan howlgallo baaritaano ah walow howlihii Ganacsiga Iyo isu socodka dadka Iyo Gaadiidka uusan saameyn ku yeelan.

Taliyaha ciidamada booliska Afgooye C/qadir Cismaan Nuunow ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay weerareen meel banaanka ka ah degmada.

Al-shabaab ayaa inta badan bartilmaameesadaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin degmada Afgooye qeybaha kale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Xaalada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose oo degan kaddib dagaal xalay ka dhacay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this