Sign in to follow this  
Deeq A.

TACSI : – Allaah ha u naxriistee Marxuumad Caasho Aden Warsame Islaan oo maanta ku geeriyootay magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

images-1-1.jpg


INAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

GEERIDU WAA XAQ.

Waxaa maanta oo ah Axad 11.02.2018 ku geeriyootay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland Allaah ha u naxariistee Marxuumad Caasho Aden Warsame Islaan.

Geeridaa naxdinta leh ee ku timid Hooyo Caasho Warsame Islaan awgeed waxaa tacsi tiiraanyo xanbaarsan loo dirayaa dhamaan Awladeedii Reer Xasan Cusmaan Yusuf Kenadiid ( Reer Xasan Nadiif) iyo Dhamaan qoyska Reer Warsame Islaan,Ehelkii iyo Asxaabtii ay ka baxday marxuumadu in Ilaah samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabakda Caalamiga ah ee Puntlandi waxay Tacsi gaar ah u dirayaan Suldaan Axmed Xasan Cusmaan Kenadiid geeridaa naxdinta leh ee ku timid Hooyadiis Marxuumad Caasho Aden Warsame Islaan, waxaana Ebbe uga baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo, Marxuumada Allaah u naxariisto, Janadiisa Fardousana ka waraabiyo.

111mawt-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this