Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo ku dhawaaqday arrin aad u farxad galin doonta maamulka iyo Shacabka Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa ku dhawaaqday in maalmaha soo socda ay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland gaari doonaan wufuud ka socta dowlada Turkiga.

Dowladu waxa ay sheegtay in Wafdigaasi ay qiimeyn doonaan magaalada Kismaayo oo ah caasimada maamulka, waxa ayna ku dhawaaqday in Kismaayo lala mataaneyn doono mid kamid ah magaalooyinka ugu bilicsan dalka Turkiga.

Sadiiq Sheekh C/laahi, oo ah Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Somalia, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay iney dardargelinayaan howlaha ay dowladda ka waddo Jubbaland.

Wasiir Sadiiq Sheekh C/laahi, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay si dhaqsi leh ku bilaabi doonto qiimeynta iyo dhismaha magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in la saxiixay heshiiska lagu mataaneynaayo Kismaayo iyo magaalada Antalya ee dalka Turkiga, waxa uuna carab ***** in talaabadaani ay soo dhaweeyen Jubbaland iyo shacabkeeda.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa yiri “Waxaa dhowaan imaan doona wafdi ka socda Turkiga, waxay ka shaqeyn doonaan in la mataaneeyo magaaladan iyo magaalo la yiraahdo Antalya”

Si kastaba ha ahaatee, wasiir Sadiiq ayaa sheegay in sidoo kale laga shaqeyn doono sidii loo dhisi lahaa waddooyinka magaalada Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

The post DFS oo ku dhawaaqday arrin aad u farxad galin doonta maamulka iyo Shacabka Jubbaland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this