Sign in to follow this  
Deeq A.

Rex Tillerson oo Axadda berri ah booqasho uga bilaabanayso dalal ku yaalla Bariga Dhexe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Tillerson.jpg?resize=620%2C413

Xoghayaha Arrimaha debadda Maraykanka,Rex Tillerson ayaa Axadda berri ah booqanaya dalal ku yaalla Bariga Dhexe oo ay ku jiraan Jordan,Turkey,Lebanon,Egypt iyo Kuwait,sida lagu daabacay bogga Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka ee State Department.

Booqashada oo qaadan doonta muddo lix maalmood ah ayaa ka bilaabanaysa magaalada Amman ee caasimadda waddanka Jordan,halkaaso uu Tillerson kula kulmayo boqorka dalkaasi,Abdullah II ibn Al-Hussein iyo Wasiirkiisa Arrimaha debadda,Ayman Al-Safadi,waxaana la filaya in ay kala saxiixdan heshiis is-kaashi laba geesood ah.

Tillerson ayaa Jordan uga sii gudbaya waddanka Turkey,isagoo la kulmi doona saraakiil sare oo Turkish ah,islamarkaana kala hadli doona arrimaha gobolka,sida ku xusan qoraalka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha debadda Maraykanka.

Sidoo kale wuxuu booqan doona magaalada Beirut ee caasimadda waddanka Lebanon,halkaaso uu kula kulmi doono madaxweyne,Michel Aoun iyo ra’iisul wasaare,Saad Hariri,isagoo u xaqiijin doona taageerada Maraykanka ee shacabka iyo xukuumadda Lebanon.

Xoghaye Tillerson waxaa kale oo uu socdaal ku tegi doona magaalada Cairo ee caasimadda waddanka Masar(Egypt),isagoo mas’uuliyiinta sare ee dalkaas kala hadli doona xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Maraykanka iyo Masar.

Xoghayaha Arrimaha debadda Maraykanka,Rex Tillerson ayaa booqashadiisa ku soo gebo-gabaynaya magaalada Kuwait ee xarunta dalka Kuwait,wuxuuna halkaas kaga qeyb geli doona shirka Wasiirada Is-bahaysiga la dagaallama Daacish iyo sidoo kale shir weynaha dib u-dhiska dalka Ciraaq,sida ku cad qoraalka ay Sabtida maanta ah daabacday Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

 

The post Rex Tillerson oo Axadda berri ah booqasho uga bilaabanayso dalal ku yaalla Bariga Dhexe. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this