Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuqaal: Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya oo shaaciyey in Xarumihii ciidamadaasi la siiyey Dowlado Sisheeye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo maanta Magaalada Muqdisho looga dabaaldegay munaasabadda sanadguuradii 53-aad ee aasaaska ciidamada Badda ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay ciidamada Badda waayeen goob ay ku xusaan maalintan.

Ciidamada Badda Soomaaliya oo la aas aasay sanadkii 1965 ayuu shaaciyey taliyaha ciidamada Badda Soomaaliyeed Madey Nuurow Sheekh Ufurow in xarumihii ciidamada Badda ay dowladda Soomaaliya siiyay dowlado shisheeye, taasoo ku qasabtay inay dekadda Muqdisho xuskooda ku dhigtaan.

Dowladii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xarun u dhow Dekadii hore ee Muqdisho iyo dhul balaaran oo halkaas ku yaalla siisay Imaaraadka carabta, iyadoo ay hore isugu dhaceen safiirka Imaaraadka iyo Taliye Ufurow.

HOOS KA DAAWO Muuqaalka Taliyaha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Muuqaal: Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya oo shaaciyey in Xarumihii ciidamadaasi la siiyey Dowlado Sisheeye appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this