Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kaaga baxay fariinta cusub ee uu Farmaajo u diray al-Shabaab?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay katashtaan aayahooda Qaranimo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dal waliba uu dhisto dadkiisa, waxa uuna ku taliyay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay dib u jileecaan dhowr iyo labaatankii sano oo aysan heysan dowladnimada.

Waxa uu sheegay in baaqiisa uu yahay mid si gaara ugu socda dhalinyarada Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan, gaar ahaan kuwa ku jira al-Shabaab ee loo adeegsanaayo burburka dalkooda.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dhalinyarada Al-shabaab ay wali u heystaan fursad ah inay isa soo dhiibaan, isla markaana ay dhankooda ka ballanqaadi doonaan inay magangalyo siin doonaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markale ku celiyay in dhalinyarada ka bar-bar dhagaalanta Shabaab ay ka mid noqon karaan dowladda, ayna cafis u fidinayaan.

Waxa uu xusay in ay diyaar u tahay Dowladdu soo dhaweynta al-shabaab xubnaha ka tirsan haddii ay isa soo dhiibayaan, isagoona sheegay inay sii wadi doonaan wada hadalka al-Shabaab.

Dhinaca kale, Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo,  ayaa u ballan qaaday dhalinyarada ka tirsan al-Shabaab inay heli doonaan hoy iyo nabad haddii ay isa soo dhiibaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Maxaa kaaga baxay fariinta cusub ee uu Farmaajo u diray al-Shabaab? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this