Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Iran & Al-shabaab oo u midoobay dowlada Imaaraadka iyo maamulka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Xagjirka ah ee Shabaab ay xiriir dhow la sameeyen dowlada Iran oo ay wada galeen Heshiis aan nuxurkiisa sidaa loo sii baahin.

Xiriirka dowlada Iran iyo Maleeshiyada Shabaab ayaa la sheegay inuu bilowday wixii ka danbeeyay markii uu maamulka Somaliland ogolaaday in dowlada Imaaraadka Saldhig Millitery ka furato magaalada Berbera.

Dowlada Iran ayaa Heshiiskaasi ula gol leh in Maleeshiyada ay ku jabiso maamulka Somaliland iyo dowlada Imaaraadka, waxa uuna qorshuhu yahay in Maleeshiyadu ay is hortaagto howlgalinta Saldhiga.

Dowlada Iran ayaa Maleeshiyada Shabaab u adeegsaneysa ka hortaga duulaanka uu Imaaraadka ku yahay Xuutiyiinta Yemen, waxa ayna ilo dhanka Amaanka ka tirsan Somaliland sheegayaan in Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay ku adag tahay inay carqaladeeyan Amniga deegaanada Somaliland, gaar ahaan magaalada laga dhisaayo Saldhiga Imaaraadka.

Sargaal ka tirsan Booliska maamulka Somaliland oo lagu magacaabo Suleyman Muuse ayaa shaki galiyay in Saldhiga Imaaraadka uu sii shaqeyn doono, waxa uuna bidhaamiyay in Somaliland ay yeelan doonto laba cadow oo kala ah Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen oo isaga kala gooshi doona Xeebaha.

Sargaalkaani ayaa sheegay in dowlada Iran ay xooga saareyso wado waliba oo ay ku fashilin karto dhismaha Saldhiga Imaaraadka Carabta ee magaalada Berbera.

Dowlada Iran ayaa la rumeysan yahay inay ka faa’iideysan doonto dhaqaale yarida iminka soo foodsaartay Maleeshiyaadka Shabaab oo aan helin dhaqaalihii kaga imaan jiray Al-qacida.

Iran ayaa dhaqaale xoogan ku bixin doonta Shabaab si loo carqaladeeyo howlaha ay dowladaha Imaaraadka dooneyso inay ka hirgaliso magaalada Berbera.

Sidoo kale, dowlada Iran waxa ay qorsheyneysaa in magaalada Dahran ay kulan qarsoodi ah ugu qabato Xubno kala matalaaya Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Xuutiyiinta kuwaa oo isla daadihin doona Hanaanka lagu wada shaqeynaayo mudada uu shaqeyn doono Saldhiga Imaaraadka ee magaalada Berbera.

Dhawaan ayay aheyd markii dowlada Iran ay digniin kasoo saartay Saldhiga Millitery uu Imaaraadka ka furan doono magaalada Berbera, waxa ayna dowladu Hanjabaad iyo digniinba hawada u marisay maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Xog: Iran & Al-shabaab oo u midoobay dowlada Imaaraadka iyo maamulka Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this