Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Koonfur Galbeed oo war cad kasoo saaray abaabulada dagaal ee uu wado Mukhtaar Roobow

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimadda Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshe dagaal oo la sheegay in Mukhtaar Rooboow uu ka wado qeybo ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed.

Wasiir ku xigeenka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed C/risaaq Cabdi Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulku ka war hayo qorshaha Rooboow, isaga oo intaa ku darray in uu isku diyaarinayo dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Roobow in ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii uu Al-shabaab ula dagaalami lahaa, maadaama uu ka soo jeedo deegaanada Koonfur Galbeed, islamarkaana aqoon u leeyhaay sida uu hadalka u dhigay xeesha dagaal ee Ururka.

“Abaabulka uu Sheekh Mukhtaar Roobow ka wado Koofur Galbeed waa ka war he

ynaa, wuxuu ku jiraa diyaar garow uu dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ku qaadayo, runtii Roobow waa nin aqoon u leh istiraatiijiyada dagaalka”ayuu yiri C/risaaq Cabdi Aadan.

Waxaa uu sheegay in Maamulka Koofur Galbeed uu soo dhoweynayo abaabulkaas, balse ay go’aanka uga dambeeya ee dagaalka lagu qaadayo Al-Shabaab ka sugayaan Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayuu sheegay in ay ka sugayaan go’aanka ugu dambeeya ee dagaalka loogu qaadayo Shabaab.

Sheekh Muqtaar Roobow ayaa tiro Saddex jeer ah waxaa uu tagay magaalada Baydhao ee xarunta KMG ah Maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiil Ciidan, Maleeshiyaad daacad u ah Mukhtaar Roobow ayaa ku sugan qeybo ka mid ah Gobolka Bakool, waxaana todobaadyo ka hor jiray dagaal dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab, kaasoo la sheegay inuu ku dhintay wiil uu dhalay Mukhtaar Roobow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Maamulka Koonfur Galbeed oo war cad kasoo saaray abaabulada dagaal ee uu wado Mukhtaar Roobow appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this