Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergooyin nabadeed oo gaaray degaanka Maygaagle oo uu ka furmayo shirkada nabadaynta colaadii koonfurta Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafti balaadhan oo isku jira Isimo, Cuqaal iyo Odayaal uuna hogaaminayo Garaadka Jaamac Garaad Cali oo ka ambabaxnay tuulada Karin dabayweyn ayaa gaaray Magaaladda Maygaagle, halkaasna waxaa kusoo dhaweeyey beesha Cumar maxamuud oo gogasha dhigtay.

Degaanka Maygaagle oo hoos taga degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn, ayaa waxaa furmaya shirka nabadaynta beelaha Cumar Maxamud iyo Baharsame oo mudo dheer ka dhex jirtay colaad soo noqnoqanasay, waxaana dowladda Puntland ay diyaarisay agabkii shirkaasi fududayn lahaa.

Ciidanka dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sugaya nabad galyada shirka nabadaynta, maadaama ay maamulaan madagaaladu gogoshu taal.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this