Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Mire Maxamed oo Beeniyay in uu xiriir la leeyahay Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamed Mire Maxamed oo Dowladda Mareykanka shalay oo jimco aheyd ay ku dartay Liiska shaqsiyaad taageero siiya Ururka Daacish ayaa arintaas beeniyay.

Mr Mire oo ah milkiilaha sharikadda Al-Mutawafaq  oo ka shaqeeysa deegaanada Puntland ayaa sheegay in eedeeyntaasi ay tahay mid aan waxba ka jirin

isaga oo la hadlayay VOA ayuu sheegay in eedeeymahaasi isaga iyo shirkadiisa loo jeediyay ay tahay been abuur aan raadlaheyn isaga oo beeniyay in xitaa uu yaqaano Cabdiqaadir Cali Muumin oo ah Madaxa Daacishta Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in sharciga hortaga islamarkaasina uu iska bari yeelo eedeeyntaasi loo jeediyay.

Maxamed Mire Maxamed oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsade ah ayaa waxa uu daganyahay Magaalada Abuu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Hoos ka Dhageyso Wareeysiga

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/02/Cod-Mire-By-Cowke.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Maxamed Mire Maxamed oo Beeniyay in uu xiriir la leeyahay Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this