Sign in to follow this  
Deeq A.

(VIDEO) Wasaaradda caafimaadka Puntland oo qibrad iyo waayo aragnimo shaqo ku taageertay wasiirka caafimaadka Jubbaland oo socdaal ku jooga Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa Garowe kusoo dhoweysay wasiirka caafimaadka maamulka Jubbaland, Cali Xaaji Nuur, kaasoo qibrad iyo aqoon kororsi ugu yimid dowladda Puntland oo horey gacan uga geysatay dhismihii nidaamka dowliga ah ee Jubbaland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland, Dr, Cabdirisaaq Xirsi Xasan, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay wasiirka caafimaadka Jubbaland siiyeen wixii macluumaad ah oo ku saabsan horumarinta caafimaadka iyo sida ay u shaqeeyaan waaxyaha kala duwan ee wasaaradda caafimaadka.

Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa wasiirka caafimaadka Jubbaland u sheegay in wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ay hoos yimaadaan in ka badan 350 xarumo caafimaad ah oo ku kala yaala dhammaan sagaalka gobol ee Puntland iyo 3500 shaqaale caafimaad ah.

Wasiirka caafimaadka Jubbaland Cali Xaaji Nuur, ayaa qiray inuu wax badan oo qibrad ah iyo aqoon ah uu ka faa’iday nidaamka dowliga ah ee ka jira Puntland isagoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka Puntland uga mahad celiyay waqtiga iyo juhdiga ay ku bixiyeen inay ku caawiyaan waayo aragnimadooda shaqo.

Wasiirka caafimaadka Jubbaland ayaa sidoo kale, saaka booqanaya isbitaalka guud ee Garowe iyo xarumaha kale ee caafimaadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this