Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo Cunoqabatayn kusoo roogay shirkada ganacsi iyo shakhsiyaad lala xiriirinayo Daacish.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Maraykanka ayaa maanta oo Jimce ah sheegtay inay cunaqabatayn ku soo rogtey saddex qof iyo saddex shirkadood oo ka soo kala jeeda wadamada Philippines, Turkey, iyo Somalia, kuwaas oo lagu eedeeyey inay taageeraan kooxda argagaxisada ah ee  (IS).

Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa bayaan ay baahisay ku xustay inay cunaqabatayn saartay Maxamed Mire Cali Yuusuf iyo labadiisa shirkadood ee Liibaan Trading & Al Mutafaq commercial Company, oo lagu eedeeyey inay taageerto hawlaha kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa cunoqabatayntan lagu soo rogay Abdulpatta Escalon Abubakar, waxana lagu eedeeyey in uu maaliyad ahaan u taageeray Dawladda Islaamiga ah iyo shabakaddeeda waddanka Philippines. Waxa kale oo ay cunaqabatayn ku soo rogtey mudane Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Turkiga ee Profesyoneller Elektronik iyada oo lagu eedeeyey inay qalab diyaarad ciidan ah ka gadday Dawladda Islaamiga ah.

Dowladda Maraykanka ayaa hore cunoqabatayno la mid ah tan waxa ay ugu soo rogeen muwaadiniin iyo shirkado.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this