Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo cuna-qabateyn saaray laba kamid ah shirkadaha waaweyn ee Puntland laga leeyahay iyo kuwa ajnabi ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Maraykanka ayaa jimcihi maanta sheegtay in ay cuna-qabateyn ku soo rogtay saddex qof iyo saddex shirkadood oo ka hawlgala,Philippines,Turkey iyo Soomaaliya,kuwaasoo lagu eedeeyay in ay tageeraan mintidiinta Daacish.

Waaxda Maaliyadda Maraykanka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay cuna-qabateyn ku soo rogtay Abdulpatta Escalon Abubakar oo lagu eedeeyay in uu taageero dhaqaale iyo agab ugu deeqay Daacish iyo shabakadeeda dalka Philippines.

Sidoo kale Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Profesyoneller Elektronik oo fadhigeedu yahay dalka Turkey ayaa cuna-qabateyn lagu soo rogay,waxaana lagu eedeeyay in uu Daacish u sahlay helitaanka qeybo kamid ah diyaaradaha is-wada.

Mohamed Mire Ali Yusuf oo ah nin Soomaaliya iyo shirkadihiisa, Liibaan Trading iyo Al Mutafaq Commercial Company ayaa sidoo kale cuna-qabateyn la saaray ,waxaana lagu eedeeyay dhaqdhaqaaqyo lagu taageerayo Daacishta Soomaaliya

Xigasho:-Reuters News Agency

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo cuna-qabateyn saaray laba kamid ah shirkadaha waaweyn ee Puntland laga leeyahay iyo kuwa ajnabi ah. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this