Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalada Nairobi oo Xaflad lagu xusayay Sanad guurada 1aad ee Madaxweyne Farmaajo oo weerar lagu qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo oo Xusayay Sanad guuradii kowaad ee kasoo wareegtay MarkiibMadaxweynaha la doortay ayaa waxay ka dhici lahayd Magaalada Nairobi, Xafladaasoo isu badashay goob dagaaal.

Kooxo ayidsan Cabdikariin Shiikh Muuse (Qalbi-dhagax oo Xukuumada Soomaaliya ay Sanadkii hore u gudbiyeen Dalka Otoobiya oo dambiyo Dagaal looga heystay ayaa Xaflada weerar Faadumo ah kusoo qaaday waxayna bilaabeen inay kala daadiyaan kuraastii, Miisaskii iyo waxyaabihii lagu sharaxay Hoolka Hotelka Bin Cali ee Magaalada Nairobi oo Xafladu ka dhacaysay.

Ma jirin cid iska difaacday Weerarka oo shacabkii lagu casumay Goobta waxay la Bacaadweyn naftoosa, Kalayaac iyo sawaxan ayaana goobtii ka bilowday.

Midka mid ah Kooxda Weerarka soo qaaday ayaa wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumadiisu ay Itoobiya u gacanngaliyeen Nin Soomaali ah oo bilaa dambi ah.

Cabdikariin Muuse Qalbidhagax waxaa in Mudo ah baadi goob ugu jiray Dowlada Itoobiya , Waxaana Sanadkii tagay lagasoo qabtay Gobolada dhexe ee Soomaaliya, waxaana soo qabashadiisa iska kaashadey Sirdoonka Itoobiya iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.
IMG_5414.png

IMG_5415.png

IMG_5416.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this