Deeq A.

Pictures: ONLF supporters angry about Farmaajo's Ethiopia connection destroy event honoring his election one year ago

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusayay sanad guurada koowaad ee 8 Febraayo oo ku beegan doorashadii madaxweyne Farmaajo ayaa lagu kala cararay, kadib markii kooxo careysan ay weerar kusoo baadden. Munaasabadaan oo ka dhaceysay hotelka Bin Cali ee magaalada Nairobi ayaa waxaa soo qaban qaabiyay taageerayaasha madaxweyne Farmaajo, waxaana soo weeraray dhalinyaro ka careysan kiiska C/kariin Qalbi Dhagax oo dowladda Somalia ku wareejisay dowladda Itoobiya. Sawirro laga soo qaaday ayaa muujinaayo kuraastii dadka fadhiisanayay oo burbursan iyo kala cararka meesha ka dhacay isla markaana meeshaasi la isku fara saaray. Dhalinyarada soo weeraray xafladda ayaa la sheegay inay ahaayeen taageerayaasha ONLF ee Nairobi oo ka careysan kiskas Qalbi Dhagax. Ciidamo ka tirsan booliska Nairobi ayaa goobta soo gaaray oo kala ceyriyay dhalinyaradii weerarka soo qaaday iyo dadkii kale ee munaasabada ka qeybgalay.

 

nairobi-xaflad-farmaajo-1.jpg?resize=720 weerar-8-febraay0.jpg?resize=719%2C540nairobi-xaflad-farmaajo-2.jpg?resize=720 nairobi-xaflad-farmaajo-3.jpg?resize=721

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.