Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Ciidanka PSF oo gacanta kusoo dhigay maxaabiis Shabaab ah kadib howlgal ka dhacay Calmadow.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay hawlgal ballaaran oo dagaal oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka fuliyeen Buuraleyda deegaanada Dhadhaabo, Ceeldibir, Durduri, Harweyn, Karin Xagarood, Madarshoon iyo Diindigle oo Buuraha Cal Madow oo qiyaastii 35-77km ka xiga dhanka Koonfur Galbeed magaalada Bosaso ee gobolka Bari,Puntland, Soomaaliya.

Hawlgalkan dagaal oo socday afartii maalmood ee la soo dhaafay (05-8 January 2018) ayaa qorshihiisu ahaa sidii Al Shabaab looga sifayn lahaa loogana saari lahaa deegaanada ay kaga dhuumaalaystaan Buuraha Cal Madow.

Ciidanka PSF waxay hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, waxay na Al Shabaab ka saaraan goobo ay kaga dhuumaalaysanayeen Buuraleyda Ceeldibir iyo Karin Xagarood.

Dhanka kale,iIntii hawlgalkani socday, ciidanka PSF waxay gacanta ku soo dhigeen 3 maxbuus oo ka tirsan ururka argagixisada Al Shabaab, kuwaas oo loo soo gudbiyey xabsiyada magaalada Bosaso si baaris dheeraad ah loogu sameeyo.

Ciidanka PSF waxay sheegeen inay ka go’an in ay sii wadaan hawlgallada ay kula dagaalamayaan kooxaha argagixisada ah ee ku soo duulay Puntland, si Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba ay u noqdaan nabad iyo waddanka ka caaggan falalka kooxaha argagixisada ah.

27544820_325242054636873_160390828352703

27749917_325242071303538_918370789696106

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this