Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in taliyihii qeybta booliiska gobolka Bari shaqadii laga joojiyay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsidaha Puntlandi oo xiriiro kala duwan la sameeyay saraakiil dowladdeed oo katirsan madaxtooyada Puntland, ayaa beeniyay qoraal lagu faafiyay baraha internetka oo ku saabsanaa in shaqadii laga joojiyay taliyihii qeybta booliiska gobolka Bari, gaashaanle Cabdixakiin Yuusuf Xuseen.

Saraakiishaan oo ka gaabsaday inaan magacyadooda xusno, ayaa Puntlandi u u xaqiijiyay inaanu jirin go’aan si toos ah ugasoo baxay guddiga amniga gobolka Bari oo shaqada looga joojiyay taliyaha, balse ay jirto soo jeedin ka timid guddiga amniga gobolka Bari oo loo gudbiyay madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Warar kale oo Puntlandi uu helayo waxay sheegayaan in madaxweyne ku xigeenku  qorshahaas ka hor timid oo uu diiday in cid gaar ah dusha loo saaro masuuliyadda dhacdooyinkii amni ee ka dhacday gobolka Bari.

Dowladda Puntland ayaa go’aan kasoo saaridoonto qorshaha xoojinta ammaanka gobolka Bari iyo la xisaabtanka hay’addaha masuul ka ah amniga magaalada Bosaso iyo guud ahaan gobolka Bari.

Shirka golaha wasiiradda ee maanta ayaa arrintaan lagu cadaydoonaa.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this