Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Turkiga oo muddada u kordhiyay Ciidankooda Somaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Dalka Turkiga ayaa muddo hal sano ah ugu kordhiyay Ciidamada dalkaas ee ka howlgala Soomaaliya,Yemen iyo Gacanka Cadmeed.

Kulan ay golaha Baarlamaanka ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Ankara ayey markii 10aad muddo kordhin u sameeyeen Ciidamada Turkiga ee ka howlgala Bariga Afrika iyo Gacanka Khaliijka Carabta.

Ciidamadan waxaa ay isugu jiraan kuwo ilaaliya Maraakiibta mara Biyaha Soomaaliya,Gacanka Cadan iyo Marin biyoodka Baabal Mandab,waxaana Baarlamaanka Turkiga uu isku raacay in ay sii joogaan ilaa 10ka Bisha 2aad ee Sanadka 2019ka.

Marin biyoodka Baabal Mandab waa midka 4aad ee ugu adeegsiga badan Caalamka,waxaana ka gudba ama isaga kala goosha Maraakiibta  Ganacsiga ee daafaha caalamka taga.

Sidoo kale Baarlamaanka ayaa codka kalsoonida siiyay in Ciidamo dheeraad ah lagu daro Ciidamada Turkiga ee howlgalkaas ku jira kuwaas oo iyana ku biiraya 10ka Bishan February.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Baarlamaanka Turkiga oo muddada u kordhiyay Ciidankooda Somaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this